Islamic Banking Services-Training

Xarunta Beder ee Diraasaadka Mustaqbalka iyo Talobixintu (BCFC) waxa sharaf u ah iney bulsho waynta aqoonta jecel la socodsiiso inay qaban doonto aqoon is waydaarsi (siminaar) ku saabsan

Islamic Banking Services”.

Course-kan oo socon doona mudo shan maalmood ah, waxa uu qayb ka yahay qorshaha tababar ee gaarka ah (Professional Training), oo ka kooban lix siminaar oo dhamaantood la xidhiidha hanaanka islaamiga ah ee baananka iyo maalgelinta, kuwaasoo marka uu dhamaystirto tababartuhu uu ku helayo shahaado-xirfadeed lagu magacaabo

(Essential Diploma in Islamic Banking & Finance),

 Xarunta BCFC waxa ay bishan July 2010 bilowgeedii qabatey course-kii koowaad ee ku saabsanaa qorshan tabobar ee gaarka ah, kuna aadan Islamic Banking and Finance.

xaruntu waxa ay xidhiidh toos ah la leedahay xarumo tabobar iyo Jaamacado caalami ah.

Xaruntu waxa ay hore u fulisay barnaamijyo isugu jira cilmi-baadhis, talo-bixin, tabobaro iyo aqoon-isweydaarsiyo guud, kuwaasoo ku saabsanaa,

1) Nidaamka Dhaqaalah islaamka, baananka iyo hay’adaha maaliyadeed.

2) Hanaanka qorsheynta casriga ah.

3) maamulka hay’adaha waxbarasho,

4) Maamulka Xidhiidhka Macaamiisha.

 5) Straatiijiyadda horumarsan ee hogaamineed.

6) Tiirarka sharci ee Baananka Islaamiga ahi ku shaqeeyaan, iyo kuwo kale oo kala duwan.

Tabobarkani waxa uu ka bilaabmi doonaa:

Hotelka Dalxiis ee Badhtamaha magaalada Hargeisa, 07-11/08/2010, 4:45 -7:45pm (fiidnimo).

Hadaba si aad isu diiwaan geliso fadlan la xidhiidh Xarunta BCFC, oo ku taala:

 wadada Gol-Jano ee Dhakhtarka weyn dabadiisa marta, inta u dhaxay Togdheer iyo EX Obama Hotel, ama Seeraar Exutive Building, ama la xidhiidh canaawiinta hoos ku qoran 

Tel: 512233, 513434,  Mob: 4488457/9112233