About Us arrow Scientific Articles arrow Islamic Banking Services-Training
spacer

Newsflash

Welcome

Gain Easy:  Professional Diploma in Islamic Banking & Finance

 
advertisement.png, 0 kB
spacer
spacer
 
spacer

Islamic Banking Services-Training PDF Print E-mail

Xarunta Beder ee Diraasaadka Mustaqbalka iyo Talobixintu (BCFC) waxa sharaf u ah iney bulsho waynta aqoonta jecel la socodsiiso inay qaban doonto aqoon is waydaarsi (siminaar) ku saabsan

Islamic Banking Services”.

Course-kan oo socon doona mudo shan maalmood ah, waxa uu qayb ka yahay qorshaha tababar ee gaarka ah (Professional Training), oo ka kooban lix siminaar oo dhamaantood la xidhiidha hanaanka islaamiga ah ee baananka iyo maalgelinta, kuwaasoo marka uu dhamaystirto tababartuhu uu ku helayo shahaado-xirfadeed lagu magacaabo

(Essential Diploma in Islamic Banking & Finance),

 Xarunta BCFC waxa ay bishan July 2010 bilowgeedii qabatey course-kii koowaad ee ku saabsanaa qorshan tabobar ee gaarka ah, kuna aadan Islamic Banking and Finance.

xaruntu waxa ay xidhiidh toos ah la leedahay xarumo tabobar iyo Jaamacado caalami ah.

Xaruntu waxa ay hore u fulisay barnaamijyo isugu jira cilmi-baadhis, talo-bixin, tabobaro iyo aqoon-isweydaarsiyo guud, kuwaasoo ku saabsanaa,

1) Nidaamka Dhaqaalah islaamka, baananka iyo hay’adaha maaliyadeed.

2) Hanaanka qorsheynta casriga ah.

3) maamulka hay’adaha waxbarasho,

4) Maamulka Xidhiidhka Macaamiisha.

 5) Straatiijiyadda horumarsan ee hogaamineed.

6) Tiirarka sharci ee Baananka Islaamiga ahi ku shaqeeyaan, iyo kuwo kale oo kala duwan.

Tabobarkani waxa uu ka bilaabmi doonaa:

Hotelka Dalxiis ee Badhtamaha magaalada Hargeisa, 07-11/08/2010, 4:45 -7:45pm (fiidnimo).

Hadaba si aad isu diiwaan geliso fadlan la xidhiidh Xarunta BCFC, oo ku taala:

 wadada Gol-Jano ee Dhakhtarka weyn dabadiisa marta, inta u dhaxay Togdheer iyo EX Obama Hotel, ama Seeraar Exutive Building, ama la xidhiidh canaawiinta hoos ku qoran 

Tel: 512233, 513434,  Mob: 4488457/9112233

 
 

News & Events

*      Xarunta Beder ee Diraasaadka Mustaqbalka iyo talo bixintu waxay  ugu tahniyadeynaysaa dhamaan bulshada soomaaliyeed bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, ilaahayna waxaan ka rajeynaynaa inuu dhamaanteen ina waafajiyo ka faa'iidaysiga fursadan qaali ah.

* Xarunta BCFC waa xarun u adeegta bulsho weynta Somaliyeed ee ku dhaqan geeska Africa.

*

      waa xarun ku salaysan aragtida islaamka ee nolosha, una taagan Islaamiyeynta aqoonta iyo hanaanka maaliyadeed ee geeska Africa.

      *      Ma hubsatey sharcinimada xidhiidhka ganacsi ee aad ku jirto maamul ahaan iyo adeeg ahaan midna, mase u bandhigtey sharciga islaamka, haday jawaabtu tahay maya ogsoonow xarunta Beder waxa loo yagleelay inay arintaa kaa caawiso.  

   

Xarunta Beder Ilaahay  mahadii waxa  ay ku guuleysatey  inay  marti qaado Professor Abdul Hamid Alba’ali oo ah aqoon yahan caalami ah oo aad laga yaqaano aduunka kuna takhasusay shareecada islaamka, dhaqaalaha, bangiyada iyo guud ahaan mu’asaadka maaliyada ee islaamiga ah , si uu u bixiyo siminaar lagu lafo-gurayey Hay’adaha Maaliyadeed ee Islaamiga ah, qaab dhismeedkooda, sida ay u shaqeeyaan iyo weliba qaabka ugu haboon ee looga hirgelin karo Somaliland iyo geeska Afric,   halkan ka akhri ka akhri faahfaahinta arintan

* Waxa Ilaahey mahadii ay Xarunta Beder ee Diraasaadka Mustaqbalka iyo Talo-bixintu soo gabogabeysay, tabobar ku saabsan qorsheynta istiraatiijiga ah, oo loo qabtay agaasimayaasha iyo madax kale oo metelayey in  ka badan 13 shirkado ganaci iyo hay’ado waxbarasho. 

Workshopkan oo uu soo jeedinayey Dr Xasan Faarax Bayle (xasan suuri), waxa lagu qabtey hoolka shirarka ee Hotelka City Center  ee Magaalada Hargeysa, waxaana  ka faa’iideystay in ka badan 30 xubnood.   

*  Xarunta beder waxa ay soo gabo-gabeysay koorso tabobar loogu magac darey “ Models of Teaching-developing effective learning” taasoo ay ka faa’iideysteen 30 macalin iyo kormeere ka kala socday qeybaha waxbarasho ee magaalada hargeysa, ta dawladda iyo ta gaarka loo leeyahay.

*      Iyadoo koboca nidaamka maaliyadeed ee islaamiga ahi uu si xawli ah u korayo, wadankeenana ay ku soo wajahan-yihiin baanan badan oo doonaya inay gobolka ka hir gelinayaan nidaamka maaliyadeed ee islaamiga ah, waxa Xarunta Beder ay bixin doontaa koorsooyin ku saabsan hanaanka maaliyadeed ee ay u shaqeeyaan baananka islaamiga ahi, sidaa awgeed waxaanu kugu dhiiri gelinaynaa inaad meel dhow kala socoto koorsooyinkaas, kana faa’iideysato fursadaha gaarka ah ee xaruntani goonida la tahay.

 

 

 
spacer

spacer
© 2010 Beder Center for Future Studies & Consultancy